Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dalacsiisey sarkaal la nool HIV/AIDS

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1575205391820.jpg?w=1000&ssl=1

Puntland ayaa Gaashaanle u dalacsiisey Bashiir Cismaan Cawad oo ah sarkaal Booliis ah oo la nool caabuqa HIV/AIDS .

Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu hadacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan.

Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

Dalacsiinta Bashiir ayaa lagu beegay maanta oo ku beegan maalinta dunida laga xuso caabuqa HIV/AIDS ee 1-da December.

Korneyl Bashiir ayaa sanado ka hor cudurkan ka qaaday haweeney uu qabay oo u qarisay caabuqan oo ay horey u qabtay.

Hoos ka akhriso digreetada lagu dalacsiiyey Bashiir.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dalacsiisey sarkaal la nool HIV/AIDS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this