Deeq A. Posted December 1, 2019 Puntland ayaa Gaashaanle u dalacsiisey Bashiir Cismaan Cawad oo ah sarkaal Booliis ah oo la nool caabuqa HIV/AIDS . Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu hadacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan. Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. Dalacsiinta Bashiir ayaa lagu beegay maanta oo ku beegan maalinta dunida laga xuso caabuqa HIV/AIDS ee 1-da December. Korneyl Bashiir ayaa sanado ka hor cudurkan ka qaaday haweeney uu qabay oo u qarisay caabuqan oo ay horey u qabtay. Hoos ka akhriso digreetada lagu dalacsiiyey Bashiir. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku. PUNTLAND POST The post Puntland oo dalacsiisey sarkaal la nool HIV/AIDS appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites