Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo Guddoomiyey Shir Ay Iskugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE.

78429755_2544282475685590_88677300573432 78342499_2544283315685506_23165617400509 78068682_2544282072352297_38400893798548

Shirkan oo ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa kamid ahaa hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, waxana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga, waxana uu yidhi, “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo shirarkii xisbiga tahayba.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this