Deeq A. Posted December 1, 2019 Arafo Kuulow Cabdi waa Hooyo danyar ah oo qadarta Alle ka sokow uu mid ka mid ah caruurteedii uga geeriyooday dareel la’aan caafimaad. Hooyadan oo degan kaamka Dhariyaalle ee degmada Hodan ayaa ku catowday in uu cunugeedu sakaraadayey mudo dhowr maalmood ah, islamarkaana ay u weyday xittaa xabad kaniini ah dawo kale daayee. Qoskan iyo dad kale oo danyar ah ayaa waxa aad u saameeyay cuduro ka dhashay roobabkii dhowaan ka da’ay magaalada Muqdisho, markii ay horjoogayaasha kaamka ay isku dayeen in ay xiriir la sameeyaan wasaaradda caafimaadka waxaa loogu jawaabay arrimo kale ayey wasiir Foosiya Abiikar Nuur mashquul ku tahay. Hase ahaatee Hooyo Arafo warkaasi waxa uu u ahaa mid naxdin leh, iyada iyo dadka kale ee caruurtooda ay la daala dhacayaan cudurada. Dhanka kale Nabadoon Bedal Jaamac Xirsi Laan-Gare oo ka mid ah wax garadka ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqqdisho, islamarkaana sigaar ah ugu dooda dadka aan cod kooda meel dheer gaarin ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in uu ilma Soomaaliyeed dawo la’aan ahaado mudo dhowr cisho ah aqirkiina sababtaasi uu naftii ku waayo. Nabadoon Bedal ayaa ka codsaday madaxda Qaranka Soomaaliyeed in il gaar ah ay u la haadaan wasaaradda caafimaadka, mas’uuliyiinteedana kula xisaabtamaan shaqada Qaranka ee ay xagal daacinayaan. Wasaaradda caafimaadka XFS waxa ay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka ah ee ay shacabka uga baahan yihiin adeegyada aas aasiga u ah nolosha aadanaha, balse tan iyo markii loo magacaabay Foosiya Abiikar Nuur waxa ay dadka Soomaaliyeed dareensanaayeen in ay wasaaradda ka jirto habacsanaan la xariirta dhanka maamulka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites