Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo loo doortay hoggaanka ilaalinta Badaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa ku guuleysatay cod bixin loo qabtay dalal dhowr ah oo ku tartamay hoggaanka ilaalada xeebaha ururka caalamiga ee Badaha oo ka dhacday magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska.

Kenya ayaa horay ma jaraha ugu heysay ururka caalamiga ee Badaha, waxaana kadib doorashadii labaad oo Kenya ay ku guuleysatay ay wakiil ka ahaan doontaa dalalka bariga Africa ee Burundi, Jamhuuriyada Congo, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Wasiirka Badaha dalka Kenya Nancy Karigithu ayaa sheegtay in dib u doorashada Kenya ee hoggaanka ururka caalamiga ee Badaha ay ka dhigan tahay in shaqo badan ay ka qabatay dowladda Kenya in si nabad galyo  loo isticmaalo biyaha bariga Africa.

Inta badna madaxda ugu sarreysa dalal badan oo dhaca bariga Africa ayaa dowalada Kenya ugu hambalyeeyey in markale dib loogu doortay hoggaanka ururka caalamiga ee Badaha.

Warkan ayaa ku soo beegmaya,xilli muran ku saabsan Badda uu u dhexeeyo dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan dacwaddiisy  hortaallo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this