Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda gobolka Gedo oo maanta degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalad deganaasho ah ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda.

Deegaanadan oo dhaca duleedka degmada Baardheere ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay dib u furmeen dhaq dhaqaaqa iyo isku socodka dadka ku dhaqan halkaasi.

Dagaalladii shalay ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe xoojiyey howlgallada Milatari ee ay ka wadaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this