Sign in to follow this  
Deeq A.

Philippine oo sheegtay in laga gaabiyey Burcadbadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay ku fashilantay in muwaadiniinta dalkiisa ee isticmaala biyaha gacanka cadmeed ka badbaadiyaan burcadbadeeda Soomaalida.

Madaxweyne Duterte ayaa tilmaamay in boqolaal muwaadiniin dalkiisa ka soo jeeda ay ka shaqeeyaan maraakiibta caalamiga ah ee mara biyaha gacanka cadmeed, islamarkaana inta badan ay burcadbadeed Soomaali ah iyo kuwa kale ay kala kulmaan afduub joogto ah.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Philippine ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in burcadbadeeda Soomaalida ay si gaar ah u beegsadaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Philippine,taasina aysan waxba ka qaban Qaramada Midoobay.

Bishii la soo dhaafay ee November wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Philipine ayaa sheegtay in sagaal muwaadin oo u dhashay dalkaasi oo la socday markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Norway lagu afduubtay xeebaha bariga Africa.

Sanadii 2017 Qaramada Midoobay ayaa soo saartay baaq ay u dirtay dhammaan dowladaha waa weyn iyo dalalka ay Badaha maraan, kaas oo ku aadan sidii ay uga hortai lahaayeen qatarta burcadbadeeda oo afduub ka geysta gacanka cadmeed iyo Badda Cas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this