Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Beyle oo hortagay Golaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xaruntooda kulankii 19- aad ee Kalfadhiga 6-aad iyada oo uu shir Guddomiyey guddomiye, Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddomiye Ku-Xigeenka 2-aad, Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 2-aad ee Sharciga Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor Akhriyay Golaha warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Intaasi ka dib ayaa Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan howl-wadeeno ka socday wasaaradda  ayaa hor yimid Aqalka Sare.

Wasiir Beyle ayaa la weeydiiyey Su’aalo ku adaan Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka. Wauuna ka jaawabay sualihi ay weeydiyeen Senatarada.

Ugu dambeyntii waxan shirka soo xiray guddomiye Ku-Xigeenka 2-aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad oo shegay in dooda akhrinta 2-aad ee Sanatarada lagu soo daro sharciga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

77083653_2559104544210078_8073093749611167744_o 79147820_2559098570877342_1519853011814318080_o 78124386_2559098227544043_2966854088274214912_o 78189537_2559098047544061_7366361940525842432_o 78428604_2559098034210729_8916511007401050112_o 78922812_2559098450877354_8064963664282648576_o 79014711_2559098250877374_3560025428749975552_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this