Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo u diyaar garowday amniga doorashada 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Howgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay dadaal badan ku bixinayaan, sidii nabadgalyo ay ugu dhici laheyd doorashada soo socda ee Soomaaliya

Augustine Magnus Kailie oo ah sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo Soomaaliya ka dhaca 2020-ka illaa 2021-ka.

Sidoo kale Sarkaalka AMISOM u hadlay ayaa tilmaamay in loo baahanyahay sidii looga guuri lahaa nidaamka qabaa’ilada ay wax ku qeyb sadaan ee 4.5, islamarkaana la aado doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa markii 1-aad isku diyaarineysa doorasho madaxtinmo oo ku dhisan nidaam axsaab ah, taas oo beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this