Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dib qabsatay deegaan hoosta Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Daar Macalin oo a tirsan gobolkaasi, kadib markii ay shalay dagaal ku qabsandeen ciidanka dowladda.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab dib u qabsatay deegaanka, islamarkaana ay ka bilowday dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Deegaanka Daar Maalin ayaa 60 KM iu jira degmada Baardheere, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan xaaladda deegaankaasi ay dib ula wareegtay Xarakada Al-Shabaab

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this