Deeq A. Posted December 1, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Daar Macalin oo a tirsan gobolkaasi, kadib markii ay shalay dagaal ku qabsandeen ciidanka dowladda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab dib u qabsatay deegaanka, islamarkaana ay ka bilowday dhaq dhaqaaqyo xoogan. Deegaanka Daar Maalin ayaa 60 KM iu jira degmada Baardheere, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan xaaladda deegaankaasi ay dib ula wareegtay Xarakada Al-Shabaab View the full article Share this post Link to post Share on other sites