Deeq A. Posted December 1, 2019 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka. Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha maamul u sameynta Galmudug iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula taliyey dowladda inay si degan ku dhameyso khilaafka ka jira Galmudug, iyada oo fursad la siinayo beelaha dega maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ka digay inay dhacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilligii doorashada ee maamulkaasi. Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in kaliya ay doonayaan in la saxo khaladaadka jira, iyadoo aan lagu xadgubin Dastuurtka KMG ah ee dalka. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/wareysi-hassan-sheekh-madaxweynahii-hore-ee-somalia.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites