Deeq A. Posted December 1, 2019 Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn shalay ka dhacday demada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Africom ayaa war saxaafadeed ka soo baxay ku shaaciyay in duqeyntaasi ay la beegsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab,walow aysan shaacin khasaaraha duqeyntaasi. Warsaxaafadeedkan ayaa lagusheegay in weli ay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay duqeynta ay ku fuliyeen degmada Jilib. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya sidii ay ammaanka dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen ciidanka Xoodga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites