Deeq A. Posted November 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan dil hoygiisa loogu geystay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. Jeneraal Yuusuf Cali Qaasay [Yuusuf Cagey] ayaa lagu dhex-toogtay hoygiisa oo ku yaala Warshada Canaaha, degmada Hodan, ee Muqdisho. Ma cadda cidda sida dhabta ah uga dambeysay falkaan. Hase ahaatee, wararka ayaa waxay tibaaxayaan in uu khaarijiyey sarkaal ay murmeen kahor inta uusan rasaasta ku furin. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa nan wax war ah kasoo saarin falkaan oo dhacay galabnimadii maanta oo Sabti ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites