Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo garoonka diyaaradaha Garowe heshiis kula gashay shirkad Shiineys ah

Recommended Posts

Deeq A.   
20191130_181737.jpg?w=1000&ssl=1

Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe heshiis hor-dhac ah kula gashay shirkad Shiineys ah.

Qoraal kooban oo farteeda Fecebook soo dhigtay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkadda Frontier Services Group oo Shiinaha laga leeyahay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu hormarinayo garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Marka laga yimaado warka Madaxtootada, warar madax bannaan waxay sheegayaan in shirkadda Frontier Services Group lagu wareejin doono garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, taas oo hadda ka dib maamuli doonta.

Frontier Services Group Limited waa shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Hong Kong, waxayna ka shaqeysa amniga garoomada, saadka iyo ganacsiga macluumaadka.

Shirkaddan ayaa inta badan ka shaqeysa ganacsiga Afrika iyo Yurub, waxayna ku lug leedahay bixinta suuq geynta iyo adeegyada horumarinta ganacsiga, iyo sidoo kale bixinta adeegyada xamuulka rarka.

Frontier Services Group Limited waxaa asaasay Erik Prince oo ahaa madaxii hore ee Blackwater.

Puntland ayaa sidaan oo kale dhawaan shirkad Imaaraad ah ku heshiis kula gashay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

PUMTLAND POST

The post Puntland oo garoonka diyaaradaha Garowe heshiis kula gashay shirkad Shiineys ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this