Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jeneraal ka tirsan ciidanka militariga oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in xaafadda Warshada caanaha ee Degmada Hodan ee magaalada Muqddisho lagu dilay Jeneraal ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Jeneraalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey, waxaana warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan qaabk dilka uu u dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay qofka dilka gaystay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo Jeneraalka ay wada murmeen sidaasina lagu qabtay, balse weli lama xaqiijin karo.

Goobta dilka uu ka dhacay oo ah guriga Jeneraalka ayaa hadda waxaa gaaray Ciidamada dowladda gaar ahaan Booliska oo halkaasi baaritaan ka wada.

Jeneraal Cagey ayaa muddo wuxuu ka soo shaqeey Gobolka Shabellaha hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this