Deeq A. Posted November 30, 2019 Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa markale ku celiyey in ciidamadiisa qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM aysan ka bixi doonin Soomaaliya, ilaa la helo nabad waarta. Madaxweyne Uhuru ayaa sidaasi yiri mar uu ku sugnaa xero lagu carbiyo milatariga dalkaasi oo ku taalla magaalada Nakuru oo ah tan afaraad ee ugu weyn dalka Kenya. Inta ay jirto ayuu yiri madaxweyne Kenyatta khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka in ciidamadiisa ay sii laba jibaari doonaan howgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay qeyb libaax leh ka qaadanayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa Soomaaliya, islamarkaana loo wiiqi lahaa awoodooda, si nabad ay u helaan dalalka dariska. Ciidamada milatariga ee Kenya aya markii ugu hoRreysay Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, kadib weeraro isbada joog oo uga yimid dhinaca Al-Shabaab,walow markii dambe si rasmi ah ay uga mid noqdeen ciidamada Kenya howkgalka AMISOM ee Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites