Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay uga qeyb galay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this