Deeq A. Posted November 30, 2019 Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo ka hadlayey shirka IGAD ee ka socda Addis Ababa ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey dalal ay ku jirto Soomaaliya Abiy Ahmed ayaa xusay in dalalkaasi ay kaalin muuqata ka qaateen dhinaca maamulka, siyaasadda iyo ka hortagga xiisado colaadeed oo hor leh, kuwaas oo ka dhaca gobolka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa uga mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD sida ay xarunta ururka ugu aqoonsadeen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Abiy ayaa sidoo kale sheegay inuu kala shaqeyn doono howlaha horumarineed ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa kaalin ka qaadatay nabadeynta gobolka, maadaama la xusuusto doorka ay ku laheyn dib u soo celinta xiriirka Eretria iyo Itoobiya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites