Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada DFS, maleeshiyaad deegaanka oo isku dhinac iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Gedo.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka Baardheere ayaa waxaana uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen xoolo lagu sheegay Zakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga qeybta Baardheere, Maxamed Cali C/laahi ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/ccc-1.mp3

l

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this