Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo warbixin cusub ka soo saartay fatahaadaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin uu soo saaray  xafiiska xiriirka iyo howlaha bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhuftay  Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in fatahaadaha ay saameeyeen dad gaaraya 574,000 , halka boqolaal kalena ay ku qasbeen in ay guryahood ka barakacaan.

Sidoo kale warbixinta ka soo baxday xafiiska xiriirka iyo howlaha bini’aadanimada QM ayaa tilmaameysa in tiro intaasi ka badan ay xilligan u baahan yihiin biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo cunooyin.

Magaalada Beledweyne ayaa ah meelaha ugu badan ee fataahadaha, waxaana ku barakacay in ka badan 231 kun oo qoys.

Beledweyne ayaa hadda laga dareemayaa soo kabashi,waloow nolosha aysan wali sideedii hore ku soo laaban.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this