Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka dhaqaaqaeen dhanka deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa ujeedka ku sheegay inuu la xariiro sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi.

Xaaladda aya ah mid kacsan, waxaana haatan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xariirya in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this