Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenyatta oo shaaciyey inay ciidamadiisa sii joogayaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo haatan ka howlgala inta badan deegaanada Jubbaland.

Kenyatta ayaa sheegay in inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab ciidankiisu sii joogayaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka sii ahaan doonaan howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dolwaddiisu ka go’aan tahay, sidii looga adkaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinta la soo afjaro.”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in hadafkooda kaliya uu yahay in ay nabad ku soo dabaalaan Kenya iyo dariskeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.” ayuu markale yiri Kenyatta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah xukuumadda Nairobi loogu dhaliilay xagga amniga, gaar agaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya oo marar badan loogu baaqay inay la soo baxdo, si wax looga bedalo weerarada Al-Shabaab ka fuliso dalkaasi.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this