Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Weerarka Ka Geystay London Oo Hore Loogu Xukumay Dambi Argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen.

20191130637106691206707677_109944752_lon

Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen, Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso.
Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu.

Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018.

Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan, Booliiska ingiriiska ayaa imika baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this