Deeq A. Posted November 30, 2019 (SLT-Addis Ababa)-Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abiyi Axmed. Waxa uu sheegay in bilawgiiba uu guddida fulinta u sheegay in aanay sax ahayn hannaanka lagu midaynayo xisbiyada maamul goboleedyada ee la isugu guurayo xisbiga talada Itoobiya haya, haddiiba ay sax tahayna ay wakhtigeedii ka soo horumartay. Waxyaabaha uu sheegay waxa ka mid ah in aanay bulshadooda Oromada ee leh xisbiga ODP aanay ka qancin karin arrintan marka horena ay tahay in bulshadu aamminto oo ku qanacdo nidaamka cusub. Lamma Magersa ayaa arrintan ka sheegay mar uu u waramayay laanta Afka Oromada ee VOA, inkastoo sida wararka qaar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana xalay ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA. Hadalka Lamma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xisbiyada dalka. isla markaana arrintan ayaa dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cusub ee Abiyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo. Lamma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abiyi Axmed, wuxuuna hayaa xilka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha degaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abiyi Axmed, islamarkaana uu hore u soo hoggaamiyay gobolka Oromada iyo xisbigooda ODP ayaan wali ka jawaabin hadalka ku xigeenkooda Lamma Magersa. Source Share this post Link to post Share on other sites