Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga oo tababar loo soo gabagabeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Howgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa magaalada Kismaayo tababar ugu soo gabagabeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay 60 sarkaal oo ka howgala maamulka Jubbaland,waxaana tababarka uu ku saabsanaa adkeynta ammaanka, ka hortaga falalka kufsiga iyo arrimaha bin’aadanimada.

Taliyaha guutada 11-aad  qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Maxamed Badal Xasan ayaa sheegay in tababarka ay kafaa’iideen xirfado kala duwan, islamarkaana ay sida ugu haboon ugu shaqeyn doonaan xirfadahaasi.

Ugu dambeyn Hamoud Mohamed Kanu oo ah sarkaal sare oo ka tirsan AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in tababarkaasi uu saraakiisha ka qeyb galay ka caawin doono sidii ay u fahmi lahaayeen wax badan oo ku saabsan arimaha bin’aadanimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this