Deeq A. Posted November 30, 2019 Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u dhaqaaqeen, iyagoo wata gaadiidka dagaalka galbeedka magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyado laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama Al-Shabaab dhankooda ay bilaabeen abaabul xoogan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites