Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u dhaqaaqeen, iyagoo wata gaadiidka dagaalka galbeedka magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyado laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama Al-Shabaab dhankooda ay bilaabeen abaabul xoogan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this