Deeq A. Posted November 30, 2019 Shir u dhexeeyey madaxweynayaasha sideed dal oo dhaca bariga Africa ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaana looga hadlay arrimo ku saabsan sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka burcad badeeda ku sugan Badda Cas iyo gacanka carbeed. Intii u socday fadhidgii 13-aad ee shirka urur goboleedka IGAD ayaa la isku soo hadal qaaday in loo baahanyahay awood ciidan oo dhanka Badda ah,kuwaas oo la dagalaama burcadbadeeda,si ay u fududaato in Maraakiibta ganacsiga ay si nabdoon u isctimaalaan marinada biyaha ee dalalkaasi. Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka bariga Africa ayaa sidoo kale sheegay in hadii la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo dhanka Badda ah ay ka shaqeyn doonaan ka hortaga kalluumeysiga sharci darada ah,wasaqeynta biyaha,ciribtirka burcadbadeeda iyo ka hor taga muhaajiriinta isticmaalaha biyaha dalalka bariga Africa. Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya,Jabuuti, ra’iisal wasaaraha Sudan, madaxweynaha Uganda,madaxweynaha South Sudan iyo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo Sudan. Khudbad uu ka jeediyay kulanka ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho degdeg ah,isla markaana xilligan ay qeyb ka qaadaneyso xasiloonida gobolka, iyadoo la xusuusto in ay garwadeen ka noqotay xiisadii dibloomaasiyadeed ee dowladaha Ethiopia and Eritrea. View the full article Share this post Link to post Share on other sites