Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo guddi u saaray xayiraadii safar ee Xildhibaan Daleys

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka  Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saaray xayiraadii 25-kii bishan lagu sameeyey, xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ku sii jeeday gobolka Gedo ee K/Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal, islamarkaana loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa lagaga dalbaday guddigu in muddo labo todobaad gudahood ay golagha ku ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii dhowaan lagu sameeyay, Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan Golahaasi.

 

Tallaabadan ayaaa waxaa cambaareeyey Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo dalbaday baaritaanka haatan lagu sameynayo dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this