Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii weerarka ka geystay buundada London oo la dilay+Magaciisa & Xoggo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkii weerarka ka geystay buundada London oo la dilay+Magaciisa & Xoggo kale

 

londonkiller.jpeg?ssl=1

Booliska magaalada London ayaa toogtay oo dilay ninkii weerarka mindida ka geystay biindada London, shalay JImcihii, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Usman Khan oo jiday da`da 28.

Saraakiisha booliska ayaa shaaciyay in dhacdadan ay ahayd mid argagixiso ah, islamarkaana la mindiyeeyay dad gaaraya ilaa 5 ruux oo ay labo u dhimatay dhaawacyada loo geystay.

Waxaa sidoo kale ay boolisku sheegeen in ninkanu horay arrimo argagixiso loogu eedeeyay.

Ninka falkaas geystay oo ku geeriyooday isla goobta ayaa la rumeysan yahay inuu xirnaa garan loo ekeysiiyay mid ay ku rakibanyihiin walxaha qarxa, oo laakiin been abuur ahaa, sida ay boolisku ku warrameen.

Baarista ay wadaan hay`adaha ammaanka ayaa wali socota, waxaana madaxa ciidanka la dagaallanka argagixisada ee UK, oo lagu magacaabo Neil Basu uu sheegay in ay hadda si gaar ah u baarayaan ujeeddada ka dambeysay weerarkaas.

Wuxuu intaas ku daray in saacaddu markii ay ahayd 14:00 – xilliga London – booliska loogu yeeray toorriyeyn ka socotay meel u dhow buundada, waxaana markii ay goobta gaareen uu askari ka mid ah ciidamada xabado ku riday gacan-ku-dhiiglaha.

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana laga arkayay nin ay dad shacab ah dhulka ku muquuninayeen.

Nin kale oo dhar suud ah xirnaa ayaa la arkayay isagoo kasii cararaya ninka kale, waxaana sida muuqatay uu heystay toorri weyn.

Salkaal lagu magacaabo Basu ayaa shir jaraa’id oo uu warfidiyeenka u qabtay ku yiri: “Nin la tuhunsanaa ayey toogasho ku dileen ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka socday booliska magaalada London, waxaana idiin xaqiijin karaa in ninkaas uu ku dhintay isla goobta”.

londonkiller1.jpeg?ssl=1 londonkiller2.png?ssl=1

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this