Deeq A. Posted November 29, 2019 Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedkii 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hoggaanka Ururka IGAD, iyadoo gudoomiyaha cusub ee ururkaas loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan. Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan. Sidoo kale Xoghaya Guud ee ururka IGAD ayaa loo doortay Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Xilka Gudoomiyanimada IGAD waxaa isku heystay Jabuuti iyo Kenya oo sidoo kale horey isku haystay murashaxnimada kursiga Midowga Africa uu ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qarmaada Midoobay. PUNTLAND POST The post IGAD oo hoggaan cusub dooratay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites