Deeq A. Posted November 29, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Cutubyo kamid ah howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM ayaa loo daabulay degaanada Galmudug. Askarta oo Itoobiyaan ah ayaa lagu wadaa in ay gaaraan gobolada dhexe si ay uga qeyb-qaataan sugitaanka ammaanka dowlad goboleedka. Ciidanka ayaa la sheegayaa in ay wataan gaadiid dagaalka ee Itoobiyaanka caanka ku leeyihiin loona yaqaano Uuraalka. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in ciidanka loogu talogalay in ay xaqiijiyaan nabad-gelyadda in ay qabsoomo doorashadda madaxtooyadda iyo baarlamaanka. Dhinaca kale, kulamo looga hadlayo amniga iyo doorashadda ayaa waxay ka socdaan magaala madaxda maamulka ee Dhuusamareeb. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay wadaa dedaalo ay ku dhiseyso Galmudug loo dhan oo ka qeyb qaadata horumarka waddanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites