Deeq A. Posted November 29, 2019 Jilib (SMN) – Diyaarado aan heybtooda la aqoonsan ayaa weerar dhanka cirka ah ka geystay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe. Ma cadda dalka iska leh diyaaraddaha. Balse, aagaas waxaa aalaaba duqeymaha ka fuliya Mareykanka iyo Kenya. Lama soo warin khasaaro nafeed ama mid hantiyadeed oo ka dhashay howlgalkaan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay. Dhanka Al-Shabaab oo meelaha la beegsaday ka armisa wali wax war ah dhankooda illaa iyo waqti xaadirkan kama soo bixin. Bartamihii bishaan November sanadkan 2019 ayay ahayd markii Mareykanka uu duqeymo ka fuliyey Jubbooyinka isaga ku dilay xubno Al-Shabaab ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites