Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali ku dhimatay dab ka kacay Fooq-dheer oo ku yaal Minneapolis+Magacyadooda+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Soomaali ku dhimatay dab ka kacay daar dheer oo ku taal Minneapolis

 

cederfire.jpg?ssl=1

Shan ruux oo ay labo soomaali tahay ayaa dhintay, halka 4 qof oo kalena cisbitaalka la dhigay, ka dib markii mid ka mid ah daaraha dhaa-dheer ee ku yaalla xaafadda Cedar ee Soomaalidu ku badan tahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu dab ka kacay.

Dabka ayaa waxaa uu ka kacay guri ku yaal dabaqa 14-aad ee daartan oo ay daggan yihiin dadka xanuunsan, kuwa da’da ah iyo dadka kaligood nool.

Afar ka mid ah dadka ku dhintay ayaa magcohooda la shaaciyay, waxaana ay kala yihiin Amatalah Adam oo 74 jir aheyd, Maryan Mohamud (69-jir), Nadifa Mohamud (67-jir) iyo nin isna magaciisa lagu sheegay Jerome Stuart oo 59 jir ahaa.

Booliska oo aan wali shaaci magaca qofka shanaad ayaa sheegay in uu isna yahay qof da`ah, ayna gadaal magaciisa ka shaacin doonaan.

Sarkaal u hadlay waaxda dab-damiska ee magaalada Minneapolis Chief John Fruetel ayaa warbaahinta u sheegay in wali uu socdo baaritaan ku aadan qaabka uu dabku u dhacay iyo waxa sababay, balse uu isagu qiyaasayo in uu si shil ahaan u dhacay.

Dadka dagganaa daartan ayaa dibedda loo wada dareershay markii uu dabku kacay.

cederfire1.jpeg?ssl=1 cederfore3.jpg?ssl=1 cederfire2.jpg?ssl=1

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this