Sign in to follow this  
Deeq A.

Cuduro aan la aqoon oo dad ku dilay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (SMN) – Dhowr qof ayaa lagu waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay degaano ka tirsan gobolka Gedo ugu dhinteen cuduro aan la aqoon.

Sahal Macalin Aadan, gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa u sheegay Shabelle in dadkan ay ku geeriyoodeen duleedka Ceelwaaq.

Mr Aadan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka ayaa kormeer ku tegay degaanadaas, iyaga oo u kuur-galayey xaaladda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladdan soo korodhay.

Ugu dambeyntii, wuxuu dowladda federaalka iyo hay’addaha caalamka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii loola tacaali lahaa xaaladdan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this