Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Kumandoos ah oo loo tababaray Somalia oo lagu wareejiyey DF (Video)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa waxay shalay tababar u soo xirtay boqolaal askari oo Soomaali ah, kuwaa oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho (Turksom), ka dib markii tababar uu heerkiisu sareeyo ay ku soo qaateen dalka Turkiga.

Ciidamadan oo Kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka Ururka Al Shabaab looga xoreynayo qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Xerada Turksom, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this