Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa iyo qorshaha safarkiisa + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu berri ka  ka furmayo shir-madaxeedka 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa haatan ka dhex taagan madmadow dhanka hoggaanka ah, waxuuna khilaafka ugu badan ka jiraa Xoghayaha ururka oo uu la tashi la’aan ku magacaabay guddoomiyaha Ururka ahna Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xubin ka ah ururka ayaa doonayey in xilkani meerto noqdo, si markooda uu ugu soo aado, balse ma dhicin.

Dowladd Soomaaliya ayaa sida la sheegay shirkaas la tagaysa soo jeedinta qorsheyaal lagu taabo gelin karo dib u habeynta IGAD si dalalka xubnaha ka ah ay si siman uga faa’iideystaan, lagana dhigo Urur Goboleed ahmiyaddiisa koowaad ay tahay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Gobolka.

1-3.jpg 2-6.jpg 3-3.jpg 4-3.jpg 5-2.jpg 6-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this