Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Amba-baxay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

farmajo.-696x464.jpg

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada-hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad-galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this