Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Iyo Kenya Oo Ku Loolamaya Hoggaanka Urur Gobolleedka IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wadamada Kenya iyo Jabuuti ayaa labadooduba laga yaabaa inay lumiyaan loolanka ay ugu jiraan xilka hogaaminta urur gobolleedka IGAD.

157494313322481.jpg

Matalayashaa xubnaha ka ah ururka ayaa khamiista maanta ah uu kulan uga socdaa magaalada Addis Ababa iyagoo ka Arinsanaya cidda noqon doonta hoggaanka xiga.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu socdo ilaa iyo maalinta berito oo Jimcada si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeya wadamada IGAD. Dhanka kale guddiga ayaa la filayaa in ay ansixiyaan xoghayaha Cusub ee dhowaan la magacaabay ee Mr Workneh Gebeyehu.

Guddiga Wasiirada xubnaha ka ah wadanada IGAD ayaa u coddeyn doona wadanka xiga ee hoggaamin doona ururka iyadoo si weyn ay ugu dagaalamayaan Jabuuti iyo Kenya.


Si kastaba ha ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in xilkaan ay la wareegaan wadamada Suudaan iyo Uganda Midkood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this