Sign in to follow this  
Deeq A.

Ereteria Oo Shaacisay In Qatar Ay Maleegayso Kacdoono Ka Dhan Ah Dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Asmara)-Ereteria ayaa ku eedeysay dowladda Qatar khalkhal-galin ay ka wado gudaha dalkaas, toban qodob oo eedeymaha sal u ah ayay baahisay wasaaradda warfaafinta Ereteria, kuwaaso kala ah.

74605573_2573913032839868_42543836432139

1.In dib loo abaabulo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka Ereteriya; in la mideeyo ururadooda isla markaana taageero dheeri ah u fidiyo kuwa dambe;

2.In si gaar ah diiradda la saaro dhalinyarada reer Eritrea; mideeyaan ururadooda kuna dhiirigeliyaan inay ku kacaan ficillo fallaago oo ka dhan ah dawladda Ereteriya;

3.In la abuuro xagjirnimada diineed ee kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ah ee Ereteriya isla markaana ay ku kiciyaan kacdoonka muslimiinta Ereteriya ee ka soo horjeedda dalkooda.

4.In Ereteria lagu beero nacaybka qowmiyadaha iyo nacaybka ka dhex jira dadka reer Eritrea;

5.In la bilaabo dadaallo lagu kicinayo mudaaharaadyo iyo bannaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka Ereteriya, kuwaas oo looga soo horjeedo Dowladda;

6.In dalka Sudan lagu tababaro xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya weerarada gaadmada ah iyo dilalka saraakiisha sare ee dawladda; si loo fududeeyo dhexgalka gudaha Eritrea oo ay u fushadaan danahooda gaarka ah;

7.In la dilo hoggaamiyeyaasha saameynta leh ee Ereteriya;

8.Inay ku kacaan falalka carqaladaynta dhaqaalaha ee Ereteriya;

9.In la xoojiyo dacaayadda cadaawada ah;

10. In la shaaciyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Ereteriya, iyadoo loo gudbinayo ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this