Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   
2-55.jpg?w=1000&ssl=1

Shirkii Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Wuxuu Goluhu Baaq Nabadeed u diray xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag iyadoo Goluhu uu uga digey cidkastoo hurinta ka qeyb qaadanaysa in ay ka waantowdo.

Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka warbixisay waxqabad la xiriira guulaha laga gaaray joojinta xaalufka deegaanka, iyo Guddiga kala-xadeynta Shaqooyinka Hayáddaha iyo Wasaaraddaha oo iyana Golaha usoo gudbiyey qorsheyaasha shaqo ee ay dejisteen iyo siday u kala horeeyaan.

Arrimaha kala ee laga hadlay waxaa ka mid ah saameyntii roobabakii ka da’ay gobolada Gardafuu, Sanaag iyo Cayn iyo halka uu marayo gurmadka loo fidinayo goboladaasi.

Ugu danbeyn Goluhu wuxuu soo jeediyay in Guddiyada Xukuumadda ee ka kooban Afarta Guddi ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadkii xukuumadda ee 9kii bilood ee u danbeeyay, taasi oo qeyb ka ah wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda iyo in Shacabka lala wadaago waxqabadka xukuumadda.

  • 1-77.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-55.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-48.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-45.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-41.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-38.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this