Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley askari ku toogatay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in degaanka Weydow ee duledka Muqdisho ay ku dishay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Yare ayaa kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Injineerada ku howlan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in kooxaha hubeysan ay meesha ka baxsadeen ayna horey u sii qaateen qoriga askariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga uu iska caabin sameeyay, wallow aan lasoo sheegin hadii ay khasaaro dhalisay rasaastiisa.

Inta badan dilalka noocaan ah ayaa ka dhaca gudaha iyo daafaha Muqdisho, waxaana markii lasoo wariyo gaara goobtaas laamaha ammaanka oo baara.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this