Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku simaha madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Gen. Yuusuf Axmed Kheyr

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaciisa iyo Kan Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr oo ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr waxa uu soo noqday Wasiir Amni iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, waxaana uu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee bud-dhigga u ahaa aas-aaskii Puntland, waxa uu door wanaagsan ka qaatay nabadda, xasiloonida iyo dhismaha ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku suntanaa karti, hufnaan iyo wadan jacayl.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa shacabka Puntland, ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland, gaar ahaan ciidanka Booliska Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW.

DHAMMAAD

The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Gen. Yuusuf Axmed Kheyr appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this