Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Dhaqan-gelisay Heshiiskii Farmaajo Iyo Uhuru Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaadhsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal.

Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer.

Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

kENYA.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this