Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Maraykanka Iyo Magacyadda Dadka Ku Dhintay + Tirada Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Minneapolis)-Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

dabaqa-696x392.jpg Dab-Minneapolis.jpg

Waaxda caafimaadka gobolka ayaa shaacisay magacyada afar ka mid ah shan qof oo dabkaas ku dhintay waxaana ay kala yihiin; Jerome Stewart, 59jir ah; Nadiifa Maxamuud, 67 jir ah; Maryan Maxamed Maxamuud, 69 jir ah; iyo Amatalah Adam, 58 jir ah.

Maryan Maxamed Maxamuud, iyo Nadiifa Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ay Soomaaliyihiin,kuwaas oo degganaa dhismaha uu dabka ka kacay.

Maryan Maxamed waxaa ay degganeyd dabaqa 27aad ee dhismaha,waxaana neefta ku celiyay qiica ka dhashay dabka sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka.

Laba Gabdhood oo ay dhashay ayaa isku dayay in ay hooyadood u gurmadaan waxaana loo ogolaaday in ay tagaan qeybta hooyadood degganeyd laakiin markii ay marayaan dabaqa 17aad ayey hooyadood oo kor ka soo carartay ku waayeen qiica.

Fardowsa Yuuruf oo ah mid ka mid ah labada Gabdhood ayaa sheegtay in Hooyadood intii ay nooleyd ku dardaarantay in lagu aaso Soomaaliya, haddana ay qaban qaabinayaan sidii ay dalka ugu soo celin lahaayeen.

Nadiifa Maxamuud, ayaa qaban qaabada aaskeeda waxaa uu ka socdaa Magaalada sida uu sheegay Imaamka Masaajidka Daarul Hijra Shariif Maxamed.

Dabaqa ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen dadka da’da ah iyo dadka kaligood nool, halkaas oo ay sidoo kale dhowr qof oo kale ku dhaawacmeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this