Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsanaa kulankii Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha cusub ee ONL?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey iyo xubno la socday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeeyay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey oo dhowaan lagu doortay magaalada Godey.

Qoraal kooban oo ka so baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay kulankaan oo lagu sheegay inuu ahaa mid ay kasoo baxday natiijo iyo is afgarad.

“Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Labada dhinac ayaa yeeshay is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba, waxaana uu ku soo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

“Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa mid la sugayay inay labada dhinac yeeshaan, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya ay qoreen in kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha ONLF ay qaban qaabisay dowladda Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadii uu ka soo laabtay muran badan ka dhashay ayaa maalmahaan ku sugan Nairobi halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Nairobi.

78808972_1554754284665467_70905957140859 79013743_1554754271332135_92213155764486

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this