Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Falastiin Oo Farriin Hanjabaad Ah U Dirtay Maamulka Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono xidhiidhka kala dhaxeeya Mareykanka.

157487608154bff.jpg

Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka cad uu Jabiyay sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay taageertay.

Waxaan diyaar u nahay in xidhiidhka aan u jarno Mareykanka ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Dhanka kale dibadbaxyo waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go’aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this