Deeq A. Posted November 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ee golaha Aqalka Sare ZamZam Ibraahim Cali oo u warantay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa dalab u dirtay Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS. Mr Zamzam ayaa codsatay in ay Tirakoob rasmi ah ku sameyso meelaha ay ku dhimaateysan yihiin shacabkii ku barakacay Saameynta Roobabkii ka da’ay gobolka banaadir, si loo ogaado qoysaskaasi inta uu la egyahay khasaaraha hantiyadeed ee soo gaaray, maadaama xaafadaha qaar ay guryihii ka dumeyn. Hadalka Sanetar ZamZam Ibraahim Cali ayaa ku soo aadaya xili Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ay saacadihii la soo dhaafay Maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay Deeq kala duwan oo loogu talagalay dadka saameynta ay ku yeesheen Daadadka Roobabka, islamarkaana inta aan la qeybin ay tahay muhiim in dadka Muqdisho ee loo qeybinayo deeqdaasi laga helo tirakoob rasmi ah, si waxa lahayo iyo qoysaskuba ay isku ekaadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites