Deeq A. Posted November 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Arrimaha bulshada ee Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ku ixtiraaman oo ay ugu dambeeyaan, si xal looga gaaro mad-madoowga siyaasaded ee wali udhaxeeya dowlada iyo madaxda maamul goboleedyada qaar, maadaama ay iyagu u taagan yihiin sida uu hadalka udhigay matalaadda dowlad, goboleedyada, xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya. Mr Nadiir ayaa tilmaamay in Dalku uu u baahan yahay Masuuliyad wadareed, islamarkaana labada dhinac looga fadhiyo inay ku dadaalaan sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen si xal looga gaaro dhamaan khilaafyada jira. Dhinacooda ayaa wuxuu caddeeyay in ay xooga saari doonaan sidii ay maamulada dalka ka jira iyo dowlada Soomaaliyeed isugu soo dhawaan lahaayeen si loo qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira waddanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites